Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xaflada lagu caleemo Saarayey Madaxwaynaha maamulka Khaatumo ayaa waxay ka dhacday Togga Eerigoo ee duleedka magaalada Saaxdher, iyadoo uu socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada khaatumo iyo maleeshiyada Somaliland oo duulaan Kusoo qaaday Deegaanka Saaxdheer.
Odayaasha Dhaqanka soomaaliyeed ee ka yimid dalka soomaaliya ayaa ka hadlay duulaanka Garadada ah ee lagu hayo Bulshada deeganada khaatumo ee lagu haysto dhulkooda Kuna salaysan inaysaan ayaahooda ka tashan.
Madaxwaynihii hore ee maamulka khaatumo Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) oo Xilka si rasmi ah ugu wareejiyey Madaxwayna Cusub ayaa ku hanjabay inaysan jiri doonin wax wada hadal ah oo lala galo Jabhada Somaliland “Hargeisa Soomalinimo nagama Dhaxayso, Darisnimo Nagama dhaxayso, waxaan Qori Afkiisa ahayn nagama dhexeeyo”
Madaxwaynaha Cusub ayaa wuxuu sheegay In maamulka somalilnad aysan hor istaagi karin Rabitaanka Shacabka khaatumo, “Siilaanyo wuxuu Maleegayaa Colaad daba Dheeraata, Duulaankaasi wuxuu ku danbayn doonaa Inuu faraha uga gubto, Waxaana Eedio doona dadkiisa, Hadii Nabada ceel dheer lagu Riday, Masuuliyada waxa leh ninka Ku riday”
Doowo
xigasho: Kalshaale
Figradihiina