Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Agosto 20 (CEEGAAG)— Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in aysan awood u laheyn inay ka hadasho xasuuqa Ciidamada Itoobiya ka geysanayaano gobollada Koofureed.
Cali Dheere oo la hadlayay warbaahinta afka Shabaab ku hadla ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ka dhimatay qiiradii Soomaalinimo, isagoo xusay in aysan wax dan ah u aheyn shacabka.
“Kuwa dadka xasuuqaya ee gaalada, ma dhihi karaan qoladaan dowladda sheeganeysa wax baad xasuuqday, waa niman tooda gabay maxay Soomaali u tarayan, qiiradii Soomaalinimo waa ka dhimatay, maalin walba waa kaas saraakiishooda xabsiga Doolow lagu xir xirayo, maantana ay Itoobiya taagan tahay ku soo daba feyla Axmed Madoobe iyo kooxdiisa”ayuu yiri Cali Dheere.
Cali Dheere ayaa sidoo kale xusay in Ciidamada Itoobiya ay iskeed u soo gashay Soomaaliya, iskeedna uga baxdo marka ay doonto, iyadoo aanay ku soo wargelin dowladda, waxaana uu is weydiiyay taageerada ay siiyaan dowladda, mar hadii ay hubeynayaan dhinacyada kale sida uu yiri.
“Dowladda Federaalka ee loo danaaninayay, waa taasaa mas’uuliyiinta la xir xirayo, waa kaasaa Dhuusa Mareeb iyo Guriceel laga ceyriyay oo Cadaado la isku geeyay, aaway waa la taageeray la leeyahay, Itoobiya waa taagan tahay, Ahlsuna soo hubeynayaan, waa kuwaan maamuladii kale ee Puntland, Somaliland qolo walba Itoobiya ayay ku tiirsan tahay”ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya aysan ka mid aheyn AMISOM, waxaana uu xusay in madaxdii AMISOM ay qiranayaan taas, isagoo tilmaamay inay cadeyn u tahay sida Itoobiya ka yeelaneyso dalka, isla markaana ay Addis Ababa saraakiil joogta ka amar qaataan sida uu yiri.
“Markii maalin dhoweyd Ciidamada Itoobiya xasuuqa ka geysteen deegaanka Halgan, waxay qoladii Jabuuti dhaheen kama mid ahan AMISOM, waxaa dhacday in saraakiishooda oo Addis Ababa joogto haloo dacwoodo, marka waxaa cad in ay sidee doonaan ka yeelanayaan dalka, kuwaan dowladda sheegtana aysan ka hadli karin”ayuu mar kale yiri Cali Dheere.
Ugu dambeyn Cali Dheere ayaa sheegay in reer galbeedka ay ugu tala galeen Soomaaliya in Itoobiya ay u gacan geliyaan, isla markaana ay iyaga u taagan yihiin sidii dalka uga difaaci lahaayeen, ayna mar walba xabadka u tumanayaan illaa ciidamada shisheeye dalka ka saarayaan.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina