Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Canada oo Safiir Cusub u Soo Magacowday Somalia (DAAWO SAWIRRADA)

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraqadihii aqoonsiga danjirenimo ka gudoomay danjiraha cusub ee ay dowladda Kanada u soo magacowday Soomaaliya.

David Angel oo ah danjiraha Kanada ay u soo magcowday Somalia ayaa madaxweynaha u gudbiyay farriiin uu uga siday ra’iisul wasaaraha dalka Kanada, sidoo kale safiirka ayaa ka mahad-celiyay sida looga aqabalay warqadahiisa danjirenimo, wuxuuna ballan-qaaday in uu ka shaqeynayo xoojinta xiriirka labadda dowladood.

Madaxweynaha Soomaaliya soo dhaweeyay danjiraha ayaayiri: “Waxaan ka fileynaa David inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka labada dalka. Dowladdeennu waxay diyaar u tahay inay danjirahan cusub u fududeyso howlahiisa,” ayuu yiri madaxweynaha.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyey xukuumadda Kanada sida ay u soo dhaweysay Soomaalida faraha badan ee ku nool dalkaas ku nool, kuwaasoo kaalin muhiim ah ka qaata dib-u dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in danjiraha ay Kanada u soo magacowday Soomaaliya ay tilmaan cad u tahay waddada cad ee ay Soomaaliya ku socoto, taasoo ay kaga baxayso dhibaatooyinkii soo maray.

Ugu dambeyn, David Angel ayaa sheegay in dowladdiisu ay ballanqaadayso inay gacan siiso dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dalkiisa ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaaliyeed ayna si wanaagsan u soo dhaweeyeen.

Kanada ayaa waxay ka mid noqonaysaa dalal badan oo caalamka oo danjirayaal u soo magcabay labadii sano ee ugu dambeysay, tan iyo markii ay Soomaaliya ka baxday xilligii KMG ahaa.

Ceegaag Onlian

Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply