Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Caqabadaha Haysta Qaar Ka Mid ah Xildhibaanada Somalia

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo sababo dhanka amniga awgii ka gaabsaday Magaciisa, ayaa sheegay in Xildhibaanada qaar ay caqabad ka heysato galida Xarunta Madaxtooyada Somalia iyo Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia.

Xildhibaankaani ayaa sheegay in tiro Xildhibaano ah ay ku adag tahay inay galaan Madaxtooyada Somalia, isagoona sheegay in ilaa iyo hada uusan ogeyn sababta ka dambeysay in laga hor istaago.
Waxa uu tilmaamay inay aad u farabadan yihiin Xildhibaanada laga hor istaagay, waxa uuna taasi ku micneeyay mid lagu midab takooraayo xildhibaanada qaar maadaama ay tiradaasi loo diiday xarunta ay kamid ahaayen garabka Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia, qaarkoodna ay ka tirsan yihiin Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.
Arrintaani ayaa kusoo beegmeyso xili uu khilaaf adag ka dhextaagan yahay Dam-jadiid iyo Xubnaha ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee ka midka ah Xisbiyada Mucaaradka.

 

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply