Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 19, (Ceegaag) – Meel u dhow magaalada Caabuwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku dhintay afar carruur ah biyo kujiray barkad.
Halka dhacdadaasi ka dhacday ayaa waxay Caabudwaaq u jirtaa ilaa 10km oo qura. Meeshaas ayaa ah meel ay kutaalo tuulo yar oo lagu magacaabo Shiilo Madow. Seddex ka mid ah caruurtaa ku geeriyootay barkadda biyaha ayaa ahaa walaalo, iyaga oo u dhintay hafasho ay ku harqadeen biyaha barkadda.
Carruurtaa ayaa baraagtaa oo biyo la ceegaagtay ku dhacay. Shalay ayay ahayd Jimcadii marka dhibkaa naxdinta leh uu dhacay ayadoo carruurtaa la sheegay inay arday ahaayeen. Labo ka mid ahaa carruurtaa ayaa doonayay inay halkaa dhar ku dhaqdaan.
Carruurtaa ayaa markii dambe la arkay meydkooda oo baraagta sabbeynaya. Carruurtaasi ayaa labo wiilal ahaayeen labana ay gabdho ahaayeen. Labada gabdhood ayaa da’dooda lagu qiyaasay 12jirro halka wiilashuna ay ka yaraayeen 10 sano kiiba.
Dadka kunool deegaanada Galgaduud gaar ahaan Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda ayaa biyaha ku keydsada baraago ay dhistaan si ay jiilaalka uga helaan biyo ay cabbaan iyo biyo ay xoolahooda waraabiyaan.
Ceegaag.com
Figradihiina