Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Ahlusuna Oo Waabarigii Saaka Dagaal Kula Wareegay Degmada Dhuusa Mareeb


June 7 (Ceegaag) – Ciidamada Ahlusuna Wal-jameeca ayaa saaka la wareegay degmada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada Ahlusuna oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, kana soo duulaan tagay degmada Guriceel ayaa saaka abaarihii salaadii subax dagaal ku qaaday ciidanka dowladda ee ku sugnaa Dhuusa Mareeb.
Wariye ku sugan Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in ciidamada Ahlusuna ay la wareegeen meelaha muhiimka ah ee magaalada, sida Saldhiga Booliska, xarunta maamulka iyo qeybo kale.
Ciidamada dowladda ayaa wali ka dagaalamaya qeybta looga baxo magaalada ee wadada aada Caabudwaaq, sidoo kale waxaa dagaal uu ka socdaa Guriga Guddoomiyaha Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo hada ku maqan Cadaado.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Ahlusuna ku qaado Dhuusa Mareeb, tan iyo markii magaaladaas horaantii sanadkan uu ka furmay shir dib u heshiisiin, lamana oga sababta ka dambeysa weerarkan, iyadoo horay u jiray heshiis laga gaaray dagaalkii Guriceel
Ciidamada dowladda iyo Ahlusuna ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay degmada Guriceel, halkaasoo labada dhinac midba mar uu la wareegay, waxaana jiray heshiis ay wada galeen Ahlusuna iyo wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga, kaasoo lagu soo afjarayay dagaalka.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply