Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa kala wareegay Al-shabaab degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud, kaddib dagaallo culus oo ka dhacay duleedka degmadaas oo 100-km dhinaca koonfurta kaga beegan degmada Dhuuso-maeeb ee xarunta gobolka.
Dagaal culus oo ka dhacay duleedka degmada Ceelbuur ayaa waxaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda dalka Itoobiya ee AMISOM u suuro-gashay inay gudaha u galaan degmada Ceelbuur.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmada Ceelbuur ayaa sheegay in degmadu ay haatan deggen tahay ayna iyagu gacanta ku hayaan, balse ay ka barakaceen dadkii ku sugnaa oo dhan.
“Xaalada degmadu waa mid wanaagsan, waxaana gudaha u galnay saacadu markay ahayd 1:30 duhurnimo, xoogagii Al-shabaab ee ku sugnaana way isaga baxeen,” ayuu sarkaalkan sheegay, isagoo intaas ku daray in ciidamadoodu ay horay u sii socon doonaan.
magaalada Ceelbuur ayaa noqonaysaa degmadii tobanaad oo laga qabsado Al-shabaab, iyadoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin la wareegida degmada Ceelbuur oo ka mid ahayd degmooyinka ugu waaweynaa ee gacantooda ku jira.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo weli ay Al-shabaab ka talinayso degmooyin kale oo ku yaala gobolkaas.
Ceegaag Online
Figradihiina