Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada AMISOM oo khasaare culus soo gaaray weerarkii leego

June 27 (Ceegaag)— Ugu yaraan sodon qof ayaa lagu dilay weerar Al-Shabaab ka geysteen saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego, oo ku taala wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
Weerarka ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhiftay albaabka hore ee xerada, kadibna dagaal xoogan ayaa bilowday, kaasoo ahaa mid faraha looga gubtay.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gudaha u galeen xerada, isla markaana ay la wareegeen hub iyo saanad ciidan, iyadoo markii dambena dadka deegaanka ku xoomeen xeradaas.
Ciidamada AMISOM ayaa dib uga gurtay xeradaas, iyagoo dhinaca Garoonka Balli-doogle aaday, waxaana weerarka uu ahaa mid aad xooganaa oo ahaa mid qorsheysan.
Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay la wareegeen xerada, ayna ka dileen Ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi askar aad u fara badan.
Cali Dheere ayaa sheegay in khasaaraha lixaadka leh ee ay u geysteen AMISOM uu ahaa mid ka badnaa kii sanadkii 2011 illaa 70 askari kaga dileen degmada Dayniile.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM weerarkaas uu ka soo gaaray khasaare culus, ayna jireen saanad milateri oo laga qabsaday iyo gaadiid dagaal oo laga gubay.
Saraakiil magacooda qariyay ayaa u sheegay Idaacada VOA in Ciidamada AMISOM laga dilay tiro ka badan 50 askari oo ahaa Burundes.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa xaqiijiyay inuu jiro khasaare xoogan oo ka dhashay weerarka, ayna jireen qaraxyo ismiidaamin ah oo dhowr iyo toban ruux ay fuliyeen.
C/qaadir Siidii ayaa intaa ku daray in la’yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan deegaanka Leego oo uu ku jiro Guddoomiyihii deegaanka iyo Guddoomiye kuxigeenka.
Al-Shabaab ayaa tan iyo markii bisha Ramadaan bilaabatay kordhiyay weerarada, waxaana weeraro ay ka geysteen magaalada Muqdisho maalin ka hor.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply