Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Sida ay noo Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya waxaa loo qorsheeyay in ay Al-shabaab ka saaraan Gobolka Jubbada Dhexe oo ah halka kaliya ee Al-shabaab ay Gobolada Dalka ka maamulaan.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Weeraraya Gobolka Jubbada dhexe ay ka kala bixi doonaan Gobolada Gedo iyo Bakool.
Ciidamada Itoobiya ayaa la soo Warinayaa in loo Qorsheeyay Furitaanka Howlgal ay Xukumadda Soomaaliya ku dhawaaqday in la bilaabayo oo ah Howlgalka Jubba.
Xarakada Al-shabaab ayaa Maamusha Gobolka Jubbada Dhexe oo ay ku Xoog badan yihiin halkaa oo ah Dhul Howd ah oo lagu Dhuuman karo.
waxaase iswaydiin mudan ciidamada Itobiya oo ku sugan Gobalka gedo ayaa qayba badan oo isla Gobolkaas ah waxaa haysta maamulka Alshabaab hadaba maxay tahay sababta iyagoon Gedo xorayn ay hadana u aadayaan Jubada Dhexe Dowlada somaliyana ay raali kagatahay?
Ceegaag.com
Figradihiina