Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Maraykanka oo saldhig milateri ka sameystay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose

Ciidamada Maraykanka oo saldhig milateri ka sameystay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose
Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa maanta qoray in ciidamada Maraykanka ay Saldhigga Milliteri ka sameysteen magaalladda Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.
Wargeyska oo soo xiganaya ilo wareedyo ayaa sheegay in Ciidanka Maraykanka ay saldhig ku lahaayeen Dekedda Kismaayo tan iyo sannadkii 2013-kii, balse uu Saldhigu si buuxda u hawl bilaabay dabayaaqadii sannadkii hore ee 2014-ka.
Saldhigaasi ayaa la sheegay inay Milliteriga Maraykanka u adeegsadaan dhinaca Sirdoonka iyo fulinta duqeymaha lala beegsanayo Hoggaanka Alshabaab, iyadoo ay Saraakiisha Milliteriga Maraykanka ee ka hawlgala Saldhigaasi kordhiyeen baahida dhinaca Taageeradda iyo La-shaqaynta Dowladaha Somalia, Kenya iyo AMISOM si loola dagaalamo xoogaga Al-shabaab.
Hay’addaha Maraykanka ee qaabilsan La-dagaalanka argagixisadda waxau sheegeen bishii May ee sanadkan in afartan Muwaadiniin Maraykan ah ay ku biireen Alshabaab, kuwaasoo badankooda Al-Shabaab u qaabilsan dhinaca Warbaahinta, gaar ahaan Muuqaalladda Video-ga ee ay soo dhigaan Internetka.
Maraykanka ayaa xoojiyey ciidamada ka jooga geeska Afrika tan iyo markii ay soo ifbaxday Al-shabaab oo maraykanku uu u arko iney tahay koox argagaxiso oo qatar ku ah danahiisa geeska Afrika iyo amaanka gobolka intaba.
Dowlada Maraykanka ayaa dhowaan qiratay iney magaalada Muqdisho ka joogaan ciidamo aaney tiradooda sheegin balse la sheegay iney gaarayaan ku dhowaad 200 askari kuwaasoo ciidamada AMISOM ka taageeraya tababarada iyo la talinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply