Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Uganda ee AMISOM oo ka cabanaya Mushaar la’aan Muddo bilooyin ah haysata

September 07, 2015 (Ceegaag) — Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah AMISOM ayaa ka Cabanaya Mushaar la’aan haysata muddo bilooyin ah, iyadoo dowladda Uganda ay xustay in Ciidamadeeda jooga Soomaaliya ay Wax mushaar ah helin.
Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa Magaalada Kampala ee Xarunta Uganda ayaa Daabacay Maanta oo soo Xiganayay Saraakiisha AMISOM in muddo Sagaal bilood ah aanay wax mushaar ah qaadan Ciidamada Uganda Qaybta 14-aad.
Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidan qaybta 14-aad oo Somalia la geeyay bishii Oktoobar ee Sannadkii hore aysan wax mushaaraad helin markii lagu bedelay ciidammo horay u joogay Somalia.
Afhayeenka Ciidamada Uganda, Cap. Paddy Ankunda ayaa xaqiijiyay inay jirto mushaar la’aanta haysata Ciidamada AMISOM, hase yeesheen wuxuu diiday in muddo sagaal bilood ah uu mushaarka ka maqan yahay.
Cap. Ankunda ayaa xusay in ciidamadaas uu mushaarka ka maqan yahay muddo shan bilood oo kaliya.
Taliye ku-xigeenka Ciidamada Uganda, Jen. Charles Angina ayaa ku booqday Ciidamada Uganda saldhig ay ku leeyihiin magaalada Marka, si uu niyada ugu dhiso ciidamada, maadaama askarta ay shalayto dareemayaan.
Ugu dambeyn, Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan ka mid ah ciidamada ugu badan ee hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply