Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
July-11 ( Ceegaag ) :- Wararka laga helayo degaano ka tirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo isugu jira Ethopian iyo Somaali ay ku sugan yihiin degaanka Qansax dheere iyagoo xalay ku hooyday degmada Bardalle .
Dad degaanka oo diiday in la xigto magac iyo codba ayaa sheegay in Degmada Baardheere iminka laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan , kaas oo ay samaynayaan Xarakada alshabaab ee maamula degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Ethopia iyo Kuwa Dowladda Somaaliya ay u ruqaansadeen dhanka Baardheere oo kamid ah meelaha ay ku xoogan yihin alshabaab waxaana baardheere soo gaaray xaqiijinta dad aan qarinay magacooda gurmad alshabaab uga yimid degaanada kale ee ay maamulaan si ay uga hortagaan ciidamada ku soo wajahan .
Arintan ayaa saameen aan wanaagsanayn durba ku yeelatay dadka degmada baardheere oo baqdin ka qaba in halkaasi dagaal uu ka dhaco
Ceegaag –muqdisho
Figradihiina