Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka haatan naga soo gaadhaya magalaada Boorama ee Gobolka Awdal ayaa sheegaya in goordhaweyd fadhisimadii ay ku lahaayen maleeshiyada maamulka siilaanyo Duleedka boorama laga soo raray.
Maleeshiyada Somaliland oo gaadhaysa ilaa 20 gaadhi oo ah kuwa dagaalka ah ayaa lagu soo waramaya in ay ku wajahan yihinDegmada taleex waxaana hada ka hor Maleeshiyadan laga raray magaalada laascaanood iyadoo loo raray sidii ay ciidamada suldaan wabar ula dagaalamilahaayen.
Maamulka Somaliland ayaa kolba meel urara 20 Gaadhi iyadoo xiligan ay doonayaan in ay gaadhan taleex oo aanay jirin wax uga dana oo aan ahayn hurin colaad iyo mashaqo hor leh waxaana ku sugan hada taleex ciidamada maamulka khaatumo waxaana suura gal ah in dagaal labo maamul ah taleex ka qarxo maadama maamulka siilaanyo wado qorshe uu ku duulaayo taleex oo maamulkii laha joogo. arintani waxay ku soo beegmaysa xili ay dadka reer Taleex u baahnayn wax mashquul siyaasadeed ula yimaada.
Ceegaag.com
Figradihiina