Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM oo isaga baxay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan

Ogoosto 17, 2015 (CEEGAAG) — Wararka aan ka helayno deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maanta ay halkaas ka baxeen Ciidamadii DFS iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM oo dhawaan kala Wareegay Xoogagga Al-shabaab.
Odayaal iyo waxgarad ku sugan Halgan oo goor dhaw la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku War-galiyeen inay ka baxayaan deegaanka ayna markiiba dib ula Wareegtay Al-shabaab.
Illaa iyo hadda lama oga halka ay wajaheen Ciidammada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana dhinaca kale jirta baqdin xoog leh soo food saartay dadka rayidka ah oo ka cabsi qaba wax yeello ka soo gaartay Al-shabaab, iyaga oo lagu bartilmaameedsanayo in ay gacan u fidiyeen ciidammada dowladda iyo AMISOM mudadii ay joogeen deegaanka.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la xiriira sababta keentay in ay isaga baxaan deegaanka Halgan oo ah saldhig muhiim u ah isku xirka magaalooyinka Beledweyne iyo Buula-burte.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply