Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Coladii Bahahrsame iyo Qayaad oo lasoo Afmeeray

Kulan lagu soo bandhigayay heshiiskii beelaha khayr cabdi iyo Bahararsame oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshadda degaanadda khaatumo ayna kamid ahaayeen Isimadda dhaqanka khaatumo qaar kamid ah wasiiro ka tirsan maamulka khaatumo xildhibaano madaxweyne kuxigeenka khaatumo iyo dadweyne kale ayaa lagu soo bandhigayay qodobadii lagu heshiisiiyay labada beelood oo muddo 11 cisho ah loogu fadhiyay deegaanka saaxdheer.

heshiiska labada dhinac ay ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ahaa

1- Ciddii fal dil ah geysata waa la soo qabanayaa Waxaana gacanta loo gelinayaa Beeshii
wax ka dilay, Haddii uu dil ka baaqsado waxaa waxaa laga xeeray mag shareeco oo
laba jibaaran iyo lacag khasiraad ah oo dhan 200`000 kun oo bir ah (20,000$).
2- Ciidii samaysa isku day dil waxa laga qaadi donaa wixii uu geysto isda dhaawac iyadoo
loo eegayo shareecada iyo qorigii uu sitey iyo weliba 100`000kun oo bir (10,000$).
3- Ciddii isku dayda wax kasta oo fidno kicin ah sida gabadh wax la yeelo,ama xoolo la
dhaco, ama afxumo iwm waxaa ka xeeran 100`00 kun oo bir (10,000$) iyo xadhig
gaadhaya sadex sano-
Cheif Caaqil Xasan Maxamed Saleebaan Shabac Iyo Caaqil Cali Xirsi Cawl oo ku hadlayay labada beelood ayaa waxay

 

sheegeen inay soo dhawaynayaan go,aamadda
Qaar kamid ah isimadda dhaqanka oo ay kamid ahaayeen
Garaad Sulayman Buraale,Wakiil Garaad Sulub Cali Gaas,Suldaan Cali Sheekh Axmed ,Ugaas Faarax Maxamuud

Cali Ugaas Cabdirashiid Xasan Aadan Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa dhamaantood waxay u mahad celiyeen sida

wanaagsan ee hawsha ay u dhameeyeen gudiga xalinta labada belood

 

Ugu dambayntii wasiiradda Arimaha gudaha warfaafinta iyo madaxweyne kuxigeenka khaatumo ayaa waxay ka

hadleen sida ay ugu faraxsanyihiin in la dhameeyo xurguftii labada beelood

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply