Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa maanta dib iskugu shaadheen ku samayay saraakiisha amaanka ee maamulka Jubaland.
Shirar laba maalmood qaatay oo madaxweynaha maamulka Jubaland la yeeshay saraakiisha ciidamada Jubaland ayaa waxaa kasoo baxay in la magacaabo taliye cusub oo wax ka badala amniga magaalada Kismaayo madaama ay ku soo badanayeen magaalda dilalaka Qorsheysan.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Kornayl Gaboobe u magacaabay taliyaha nabadsugida maamulka Jubaland wuxuuna badalay Axmed Ibraahim Niiniile oo xilkan si kumeel gaar usii hayay in muda ah.
Dhanka kale waxaa la sameeyay ciidamo Boolis ah oo tiradoodu dhan tahay 300 boqol kuwaas oo loogu talagalay inay wax ka qabtaan falalka amni darada ah ee magaaladu la daalaa dhacayso.
Ceegaag Online
Xafiiska wararka kismaayo
Figradihiina