Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Febraayo 6 ( Ceegaag)— Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa nasiib darro ku tilmaamay la wareegidii Al-Shabaab ee magaalada Marka, isagoo cadeeyay in Marka aan saddex sano ka hor lagu qaban si fudud.
C/qaadir Siidii oo la hadlayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in magaalada Marka ay tahay magaalo istiraatiiji ah, isla markaana ay dib u dhac ku tahay in gacanta dowladda Soomaaliya ka bado.
Waxaa uu sheegay in Marka oo xarun u ah Shabeellaha Hoose uu gobolkaas yahay gobolada ugu kheyraadka badan, isagoo xusay in markii Al-Shabaab laga saarayay sanadkii 2012 dhib badan laga soo maray.
Mr Siidii ayaa sheegay in sanadkii 2013 Marka uu tagay Madaxweynaha iyo wafdi Wasiiro ah, isla markaana ay ku dabaasheen xeebta, waxaana uu xusay in eeda ka bixitaanka Marka aanay kaliya aheyn AMISOM.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in sidoo kale xaalada Gobolka ku soo kordhay ay qeyb ka tahay is bedelada lagu sameeyay maamulka Gobolka, isagoo xusay in Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose uu horay u hoostagi jiray dowladda Federaalka, hase ahaatee haatan uu hoos tago Maamulka Koofur Galbeed.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada AMISOM haatan ku sugan yihiin meel ku dhow Ceel-Jaalle, ayna macquul tahay inay dib ugu laabtaan Marka sida uu yiri.
Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in markii hore ka soo baxeen Marka, islamarkaana ciidamada AMISOM iyana markii dambe ka soo baxeen.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ka taagtay Marka calankooda, isla markaana ku sugan yihiin meelihii ay joogeen ciidamada.
Xaalada ayaa haatan degan, waxaana wadooyinka isugu soo baxay dadweynaha oo la arkayay, iyagoo ku xoomaya xarumihii ay degenaayeen Ciidamada.
Ceegaag.com
Figradihiina