Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Jamciyadda culimaa’udiinka alictisaam oo sadaxdii cishe ee ugu dambeeyay uu shir uga socday magaalada Garoowe ayaa shirkoodii kasoo saaray warsaxaafadeed ka kooban 10 qodob oo ka dhan ah Al_shabaab, kuwaas oo culimadu ay dusha uga tuureen dilkii alle ha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo la dilay isagoo salaad casir u taagan.
Qodobada ay culimadu kasoo saareen shirkaas waxaa ugu waaweynaa in si wada jir ah dagaal loogu qaado Al shabaab, maadaaba ay yihiin cadawga koowaad ee bulshada Soomaaliyeed.
Bayaanka ay ka soo sareen culimada ayaa waxa uu u qornaa sida tan.
1 waxaan u mahad celineynaa ALLAha subxaana watacaala sidoo kale dowladda Soomaaliya maamulada ka jiro dalka sida Soomaalind, Puntland iyo shacabkii gacanta ka geystay qabashada gacan ku dhiiglaha.
2 in kooxda shabaab ee dishay ALLAHA u naxariistee Sheekh C/qaadir aysan diinta islaamka lug ku laheen ayna yihiin koox cadaw ah kuwaas oo shacabka kala dagaalsan dhan waliba.
3 in shareecada islaamku aysan qabin in la gaaleysiiyo qof muslim ah balse kooxda shabaab ay ALLE iyo Rasuulkiisa Muxamed {NNKH} ay ku beer abuuranayaan.
4 in dadka Soomaaliyeed sida maamulada iyo bulshada ay ka hortagaan kooxda shabaab ee dabar goyneyso ummadda.
5 kooxaha wada qaraxyada in aysan matalin qabiil dadka la laaynayano in aan loo dileen qabiil, sharci ahaan in aan qabiil lagu aaneyn sharcigane uusan qabin in magan galyo la siiyo kooxda cidii u doodo ama magan galiyo ay nacaladda ALLE ku dhaceyso.
6 waxaan loogu baaqay beelaha in ay ka digtoonadaan iska horkeenka ay kooxda iska horkeeneyso.
7 in ay isku xukun yihiin shaqsigii amray faldambiyeedka ay ku dhaqmaan shabaab, kii fuliyay iyo kii gacan siiyayba.
8 waxaan ugu baaqeynaa dhamaan maamulada ka jiro dalka in lagu dhaqmo shareecada Islaamka cidii ku kacda faldambiyeedna la horkeeno shareecada Islaamka.
9 in ummadda Soomaaliyeed ay iskugu yimadaan shir weyne looga arrinsanayo dhibaatada ay kooxda shabaab ku hayaan shacabka.
10 in ummadda Soomaaliyeed ay qabsadaan xariga ALLE kana dambeyaan culimadooda oo ay cilmiga ka qataan si ay uga badbadaan marin habaabinta ay kooxda ku hays.
Figradihiina