Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

C/wali Gaas “Dagaalka Al-Shabaab ma dhamaan, waa yimaadeen waana laga adkaatay”

Maarso 22 (Ceegaag)— Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shalay dib ugu laabtay magaalada Garowe, kadib safar uu muddo bil ku dhow uga dibada ugu maqnaa, ayaa ku baaqay in laga feejignaado weerarada Al-Shabaab ku soo qaadayaan deegaanada Puntland.
C/wali Gaas ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab aanu dhamaan, isla markaana uu dagaalkooda dheeranayo, isagoo tibaaxay in aan marnaba la is dhigan.
“Dagaalka ma dhamaan, Shabaab waa yimaadeen waana la jebiyay, laakiin dagaalka waa dheeraanayaa, shidada Shabaab waa sii soconeynaa, ma ahan inaan is dhigan oo aanu oran waa guuleysanay, inaan sii feejignaano la rabaa”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas.
Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab, isla markaana laga tirtiro carada Soomaaliyeed oo dhan sida uu yiri.
“Cadawgan nagu soo duulay waa cadaw Soomaaliyeed, Umadda Soomaaliyeed waa in meel uga soo wada jeesato, Midnimo iyo Wada jir ayaa ku guuleysan karnaa”ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Puntland.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa 14-kii bishan waxay doonyo dheereeya ku gaareen deegaano ka tirsan xeebaha Puntland, waxaana maalmihii u dambeeyay dagaalo ka socdeen deegaano ka tirsan Nugaal iyo Mudug.
Puntland ayaa sheegatay inay ka guuleysatay Shabaabkii duulaanka ku soo qaaday, ayna ka dishay lixdameeyo dagaalyahan, halka 31 maxbuusna gacanta ku dhigtay, kuwaasoo qaarkood isa soo dhiibay.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply