Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waa Deyrtii 1998, aroor hore ayuu gaari Toyota 4×4 ah nagala dhaqaaqay illinka hore ee hotel Midnimo ee magaalada Muqdisho, halkaa oo ay xafiis ku lahaayeen koox wariyayaal ah oo qaarkood aanu safarka waday ku ahayn, waa Cali Xalane (BBC), Cabdi Yuusuf (Dadka) iyo Axmed Cali Ugaas (Kasmo).
Dhanka Afgooye ayaannu u dhaqaaqnay, markii aannu illinka magaalada gaarnay, ayaan Koofur u jahaysanay, waddooyin aad u rafaadsan ayaannu ku haliilnay, muddo gaaban kadibna waxa aanu gaarnay xarunta Madaxweyne Aadan Cadde.Si fiican ayaa xarunta na loogu soo dhaweeyay, waxaana nala fariisiyay xafiis qurux badan oo buugaag iyo qoraallo kale oo muhim ah oo tiro badan ay si habsami leh u dangiigaan maktabad da’ weyn asii quruxdeedii dhowrsatay.
Maktabaddu waa haddiyad uu Antonio Segni (1891-1972) oo ahaa madaxweynihii Talyaniga (1962-1964) uu u haddiyeey madaxweyne Aadan Cadde, qoraal arrinkaa muujinaya ayaana ku qoran qeyb kamid ah maktabadda.Isbarasho iyo kaftan kooban kadib waxa aanu guda galnay waraysi dhowr saacadood qaatay.
Ugu horreyn madaxweynuhu waxa uu ka sheekeeyay taariikh nololeedkiisii, dhalashadiisii oo ku beegnayd 1907/08, deegaankii uu ku dhashay ee miyiga Hiiraan, jabkii daraawiish iyo soo laabashadii aabihii Cabdulle Cismaan uu ka soo laabtay Taleex, dibna ugu soo laabtay Hiiraan, dhaawicii libaaxu gaarsiiyay oday Cabdulle iyo u soo wareegistiisii magaalada Baydhabo oo uu oday Cabdulle ka noqday macallin quraan, wiilkiisa Aadana uu u soo kaxaystay wehel ahaan.
Madaxweyne Aaadan Cadde waxa uu dhalinyaranimadiisii ku soo qaatay magaalooyinka Baydhabo, Daafeed (Wanlaweyn), Marka iyo Shalaambood oo ah halka uu kula kulmay saxiibbo ay markii dambe siyaasadda wadaay ku noqdeen, waa Maxamed Axmed “Otavio” iyo Xaaji Faarax Cali Cumar.
Magaalooyinkaa kadib Muqdisho ayuu ku negaaday, muddo kadibna Baladweyne ayuu salka dhigay oo uu ganacsi ka abaabulay, halkaa waxa ay ku wada noolaayeen Cabdullahi Ciise Maxamuud, Sheekh Cali Jimcaale, Maxamed Cali Dhoore “Cagaweyne” iyo akhyaar kale oo ay masraxa siyaasadda ka wada hawlgeli doonaan xilliyo dambe.Saanadkii 1944 Madaxweyne Adan Cadde oo safar ganacsi u soo aadayay Muqdisho ayaa saaxiibkii Cabdullahi Ciise horay u soo maray una sheegay in marka uu Muqdisho gaaro uu iska diiwaangelin doono ururka SYC ee ka curtay halkaa, Cabdullahi ayaana ka codsaday in uu isagana diiwaangeliyo, halkaana waxaa ka bilowday bog cusub oo ah taariikhda siyaasadeed ee Madxweyne Aadan.
Waraysigu kama marnayn waayihii macaanaa iyo kuwii qaraaraa ee halgankii xorriyadda, sare-kicii iyo hoobashadii SYL, doorashadii madaxweynuhu ku guuleystay iyo tii lagaga guulaystay, iyo afgambigii ciidmada ee 1969.
Xusuusta Madaxweyne Aadan waxa ay ka xoog badnayad sanadba kii uu ka horreeyay, sanadihii 20yadii iyo 30yadii ilaa iyo 50yadii waxa uu xasuusan yahay xilliyada dhacdooyinkii soo maray, maalintii, taariikhdii , bishii, iyo sanadkii, mararka qaarna saacaddii, haseeyeshee 60yadii-70yadii xusuustu waxa ay ku soo koobmaysaa bilaha, haddana sanadaha.
Waxa uu ahaa kulan aad u qiimo badan oo indho-fur ahaa, oo raggayagii kulankaa ka qayb galay uu midba dhankiisa ugaga faa’iideystay, saaxiibaday xirfadoodii saxaafadeed ayay ugaga faa’iideysteen, aniguna cilmibaaris aan xilligaa waday ayaan uga faa’iideystay.Sawirka waxaa boggiisa FB ku faafiyay faafiyay Abdi Y Farah, waxaana saaka ii soo diray Sheekh Cusmaan Xaaji Yuusuf “Usuuli” , Mahadsanidiin.
Maxamed Jaamac
Figradihiina