Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daaqad Taatiikheed: Banaanbixii ugu xamaasadeesnaa abid oo ka dhacay alfaafka Wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka shalay.

(Washington DC May 18,  2012 Ceegaag Online)

Waxaa shalay ka dhacay albaabka hore ee wasaarada arimaha dibada ee dalkan Maraykanka banaanbax aad u balaadhan oo ka dhan ahaa dad iyagu doco doceeya midnimada Soomaaliya (Somaliland).

Banaanbaxayaal u banaan baxaya midnimada Soomaaliya inay tahay lama taabtaan

Banaanbaxan oo ay iskusoo dubo riday jaaliyada Soomaalida ee Khaatumo State ayaa ahaa mid aad u xamaasadeesan dadkii halkaa isugu yimidna ay ku soo ban dhigeen sida ay u diidan yihiin in Lacagaha Cabshuurahooda loo isticmaalo in lagu gumaada eheladooda ku sugan Soomaaliya.Siiba Gobolada SSC oo hatan ah Khaatumo State of Soomaaliya.

Waxaanu nasiib u helnay inaanu waraysano ilaa sodon banaanbexe kuwa aanu ka qaadnay waraysiga codka ah waxay kala ahaayeen 1. Axmed Kayse Jaamac, 2. Cabdifataax Xasan, 3. Cabdikariin Kaarshe, 4. Cabdiraxmaan Aadan, 5. Cabdiraxmaan Warsame Cismaan, 6. Cabdirisaaq Cali Caateeye, 7. Cabdirisaaq Yuusuf Guray, 8. Cabdulaahi Xuseen, 9. Canab Maxamed Xirsi Jaamac, 10. Kobra Kayse Xaaji Jaamac, 11. Naaleeye Qalinle, 12. Saleebaan Waji Xaad, 13. Maxamed Cabaase Geele.

Hadaba midmid u dhagayso anaga oo waydiinay uun sababta ay u baaanaanbaxayaan iyo gobolka ay ka dagan yihiin wadankan Maraykanka

Halkan ka daawo

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply