Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafdi ballaaran oo ka socday Midowga Yurub islamarkana uu hogaaminayo danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mudane Michele Cervone ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo iyadoo ay soo dhaweeyeen madax ka tirsan maamulka Jubba.
Wafdigan oo ka koobnaa danjireyaal ka socday dalalka Ingiriiska, talyaaniga iyo Saweden, uuna horkacayay danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Mechele, ayaa hoolka shirarka ee garoonka Kismaayo kula kula qaatay madaxweeynaha maamulka Jubba iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.
Kulankan oo qaatay saacado badan ayay labada dhinac uga hadleen arimo badan oo ay kamid ahayd horumarinta deegaanada Jubooyinka, gaar ahaan degmada Kismaayo, sidii shaqo abuur loogu sameeyn lahaa dhalinta si ay uga fogaadaan waxyaalaha amniga qal-qalka gelin kara.
Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyay madaxweeynaha maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe),
Madaxweeynaha ayaa yiri “Waxaan ka wada hadalnay qodobo badan oo guud ahaan ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya, gaar ahaan waxqabadka jubbaland, waxaan aad ugu faraxsannahay, waxa aan ka wada hadalnay in ay ugu muhiimsanaayeen marka laga reebo dib u xoreynta, iyo waxqabadka iyo amniga, arimaha dhalinyarada oo aan is leeyahay haday dhalintu hagaagto bulshada inteeda kale way hagaagayaan.”
Mudane Axmed Madoobe ayaa sheegay in Midowga Yurub uu ballanqaaday lacago badan oo wax looga qabanayo Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Jubooyinka, isagoo xusay in lacagahan si gaar ah wax loogu qaban doono dhalinyarada.
Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ugu danbeyntii saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in madaxda maamulka Jubba ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arimaha horumarinta iyo amniga, islamarkaana loo dardar gelin lahaa arimaha dib u heshiisiinta.
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina