Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafdigan oo ay hogaamineeysay Leeyla Sorongai oo ah xoghayaha qeybta la dagaalanka askareynta carruurta ee Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ujeedada imaatinkooda ahayd in madaxda maamulka Jubbaland ay kala hadlaan ka hortagga askareyta carruurt aiyo weliba arimo kale oo la xiriira nabadgelyada iyo horumarka deegaanada Jubooyinka.
Wafdigan ayaa waxa sidoo kale qeyb ka ahaa madax sare oo ka socotay Qaramada Midoobay oo ay kamid ahayd kuxigeenka wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Faatiha Saruur, waxa ayna xarunta madaxtooyada Kismaayo kulan ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd kula qaateen madaxweeynaha maamulka Jubbaland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka.
Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday waxaa saxaafadda uga warbixisay wasiiradda haweenka iyo arimaha qoyska Jubbaland Marwo Qamar Xaji Deeq.
Mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa magaalada Kismaayo soo gaarayay wufuud kala duwan oo ka socota Qaramada Midoobay, kuwaasoo kulamo kala duwan la qaadanayay madaxda ugu sareeysa ee maamulka Jubbaland.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina