Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAAWO:- Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Maamulka KMG Jubba oo Maanta dhagax-dhigay Maktabad cusub

Wasiiro ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xaruntii hore ee duqa magaalada Kismaayo, taasoo maamulka Jubba uu u asteeyay in laga dhigo Maktabad, islamarkaana maanta si rasmi ah loogu bilaabay howlo dib u dhis ah.
Xaruntan oo burbursanayd mudo aad u dheer ayaa waxa loo qorsheeyay in laga dhigo maktabad iyo weliba goob lagu barto farsamooyinka casriga ah sida Kumbuyuutarrada, waxaana xafladdii furitaanka kasoo qeybgalay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max’ed Warsame Faarax Darwiish, wasiirka arimaha bulshada Macalim Max’ed Ibraahim iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Jubba.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay C/rashiid Max’ed Cali oo ah maamulaha shirkadda SSF oo ah shirkadda qaadatay dhismaha xaruntan, waxa uuna sheegay in xaruntani ay dib u dhisi doonaan islamarkaana ay ka hirgelin doonaan Maktabad weyn, isagoo intaa ku daray in sidoo kale ay keeni doonaan Kumbuyuutaro si ay uga faa’iideysato bulshada.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max’ed Warsame Faarax Darwiish oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maktabaddan ay muhiim u tahay dadka wax baranaya, maadama aysan gobolka ka jirin wax maktabad ah oo laga helo buugaagta aqoonta.

Gabagabadii wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubba Macalim Max’ed Ibraahim ayaa dhagaxdhigay xaruntan dib u dhiska lagu sameeynayo, isagoo sheegay in ay tahay talaabo hore loo qaaday, wuxuuna ugu baaqay dadka u dhashay deegaanada Jubooyinka in ay ka shaqeeyaan arimaha horumarka deegaanadooda.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa magaalada Kismaayo laga dareemayay horumar dhanka dhismaha ah, iyadoo dayactir lagu sameeyay xarumo muhiim u ahaa adeegyada bulshada, waxaana ay arintani muujineeysaa sida bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo ay uga soo kabaneeyso dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaalladii sokeeyay ee dalka soo maray.

DAAWO SAWIRRADA:-

 

Ceegaag Online

Xafiiska Wararka kismaayo-Somalia

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply