Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
July 19 (Ceegaag)— Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in la sii daayay labo weriye iyo dhalinyaro aan tiradooda la shaacin oo loo qabqabtay maanta banaanbax ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Labadan weriye Aadan Xuseen Daa’uud iyo C/shakuur Cabdullaahi Axmed ayaa saqdii dhexe ee caawa la sii daayay kadib markii la sheegay in wax dambi ah lagu waayay.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska ayaa sheegay in dhalinyaro ay ku jireen labadan weriye la sii daayay kadib markii boolisku ay su’aalo weydiiyeen mudadii ay xirnaayeena baaris ku socotay.
Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa caawa ugu baaqay maamulka gobolka in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo saxafiyiintan. Agaasimaha Radio Asal ahna wakiil wareedka taleefishinka Royal ayaa u sheegaya shabakada warbaahinta ceegaag.com in si shuruud la’aan ah lagu sii daayay uuna u mahadcelinayo qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka kuwaasoo baaqyo iyo cambaareyn ka soo saaray xarigooda.
Magaalada Jowhar ayaa banaanbax ay dhigayeen dad ka careysnaa dil loo geystey nin kamid ahaa darawalada gaadiidka magaalada Jowhar Khamiistii aynu ka soo gudubnay ayaa sababay in uu xirmo inta badan ganacsiga magaalada.
Figradihiina