Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus oo leysku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka uu xalay dhaxmaray ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo gacan militari ka hellaya kuwa AMISOM iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.
Dagaallka ayaa bilaawday kaddib markii Al-shabaab weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM, waxaana halkaa ka bilaawday dagaal si fool ka fool ah labada dhinac isku arkeen.
Qof ku sugan degmada Buula-burte oo aan la hadalnay hasse ahaatee ka gaabsaday in magaciisa la adeegsado ayaa sheegay in uu arkay meydadka ilaa lix ruux oo ka tirsanaa dagaalyahannada Al-shabaab, halka dhinaca ciidamada maamulka gobolka Hiiraan la sheegay in uu ka geeriyooday hal askari.
‘’Waxaa arkay meydadka ilaa lix qof oo ka tirsan xooogaga Al-shabaab oo la soo dhigay degmada, siddoo kale waxaa la ii sheegay in ay jiraan meydad kale oo ka tirsan xoogaggii weerarka soo qaaday ay yaallaan goobihii lagu dagaallamay ayuu yiri,” qofka la hadllay HOL oo magaciisa codsaday in aan la xiggan.
Guddoomiyaha maamulka degmada Buula-burte Axmed Cabdi Weheliya oo siddoo kale HOL la hadllay ayaa sheegay in dagaallka xalay uu ahaa mid culus, waxaana uu intaa ku darray in ay khasaare xoog leh gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday.
‘’Dagaallka waxaa uu ka bilaawday weerar ay soo qaadeen Al-shabaab, laakiin guul-darro weyn ayeey kala kulmeen, waxaan kuu xaqiijinayaa dhimashada sagaal ka tirsan raggii weerarka soo qaaday oo lix ka mid ah waqtigan meydkooda la keenay gudaha degmda’ ayuu yiri,”’ guddoomiyaha degmada Buula-burte.
Mar uu ka hadllayay khasaaraha dhinacooda waxaa uu sheegay in dagaallka uu uga geeriyooday hal askarimid kalana uu soo gaaray sidda uu hadalka u dhigay dhaawac fudud.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo dhinaca Al-shabaab ay ka soo saareen iska horimaadka xalay ka dhacay degmada Buula-burte.
Dagaalka ayaa ku soo beegmay xili maalmihii ugu danbeeyay ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM howlgalo ka wadeen deegaanno hoostaga degmada.
Ceegaag Online
Kismaayo-Somalia
Figradihiina