Dagaal ka dhacay Tiyeeglow ee gobolka Bakool
Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda soomaaliya oo ay la socdaan ciidamo Ethiopian ah iyo Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaano ku dhow degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool. Wararka waxa ay sheegaan in dagaalkaasi oo ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee caawinaya ay ku dhinteen 8 ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Xudur oo ay isku dhow yihiin Tiyeegloow Mustaf Aadan ayaa sheegay in dagaalkaasi ay kula wareegeen deegaanka oo uu sheegay in ay ka saareen Al Shabaab. Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ay kaga hadlayaan dagaalka ka dhacay gobolka Bakool.
Garyaqaan
Figradihiina