Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wasiir ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka khaatumo Faysal Musue Dari Ayaa Idaacada Codka Khaatumo uga waramay Dagaal ay isku bahaysteen Maamulkada Somaliland iyo Puntland kunasoo qaadeen wafdi Reer Khaatumo ah oo maraysay Tukaraq iyo shacabka Tukaraq oo u guntaday sidi madaxdooda ay uga dhicin lahaayeen Cadowga Isusoo bahaystay.
Wasiirka oo ku sugan degmada Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa wuxuu sheegay in dagaalkaasi ay guul ka gaadheen “Dagaalka ka dhacay magaalada Tukaraq ee ay isku soo bahaysteen SNM Iyo SSDF, waxaanu ka gaadhnay guul, Khasaaraha ninkii wax ku dhaceen Baa Og, intii anu ognahay Dhaawac iyo dhimasho way lahaayeen, Gaadiidna wax waa ka gaadhay”
Wuxuu sidoo kale sheegay inay Maleeshiyada Maamulka Garoowe ay dhabar Jabin bilaabeen, wuxuuna ka xog waramay xaalada degmada iyo goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada, Isagoona dhamaan Bulshada khaatumo ugu baaqay in loo midoobo dagaalka Cadowga.
Ceegaag.com
Figradihiina