Dagaal Xoogan oo Saaka Mar kale ka Bilowday Degmada Xudun ee Gobolka Sool oo Dhexmaraya Maamulada Khaatumo iyo Somaliland
Wararka Hada Naga soo gaadhay Degmada Xudun ee Gobolka sool ayaa ku soo Waramaya in Saaka Magaaladaasi uu Mar kale dib uga Bilaabay dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Somaliland iyo maamulka Khaatumo oo iyagu shalayto dagaal ku Dhexmaraya Duleedka Magaalada Xudun, dagaalkani Saaka ayaa Waxaa uu ka duwan yahay kii shalayto waana dagaal aad u xoogan.
Shabakada Wararka ee Ceegaag.com oo Xiriiro kala Duwan Saaka Xili hore la samaysay Degmada Xudun ayaa Wariye Madaxbanaan oo halkaasi ku sugan oo noo xaqiijiyey inuu dagaalku uu Wali socdo isla Markaana uu yahay dagaal aad u Culus oo ka socda ugu yaraan saddex Jiho guud ahaanba Magaalada Xudun ayaa siwayn looga Maqlayaa daryanka Madaafiicda ay Dhinacyada dagaalamaya ay isu adeegsanayaan.
Ma Jiraan Wax khasaaro ah oo ilaa iminka ka soo Baxaya oo kala gaadhay Labada Ciidan ee dagaalamaya Waana Xili hore in la ogaado khasaaraha uu gaystay dagaalkani ka soconaya Degmada Xundun, Wararkeena danbe ayaana idiinku soo Gudbinayaa Xaalada khasaaraha dagaalkaasi ka soo Kordha iyo Wararkiisa danbe Hadii ilaahay idmo.
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
Figradihiina