Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 16 (Ceegaag)— Wararka ka imaanaya Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in dagaalo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo dagaalyahanadii hubeysnaa ee maalin ka hor ka degay xeebta Garacad ayaa ka socda agagaarka deegaanka Garmaal, iyadoo dadka deegaanka ay ku soo waramayaan inay maqlayaan hubka cul culus.
Dagaalka ayaa ka socda deegaanka lagu magacaabo Suuj, waxaana deegaankaas saaka aroortii gaaray dagaalyahanadii shalay gaaray deegaanka Garmaal.
Warbaahinta maxaliga ah ee Puntland ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ka baxay Garowe iyo deegaano kale ay hareereeyeen dagaalyahanada doonyaha ku galay dhulka xeebaha Puntland, kuwaasoo qorshahooda yahay inay gaaraan dhulka buuraleyda Gobolka Bari.
Waxaa aad u xadidan wararka laga helayo dagaalada laga soo sheegayo deegaano ka tirsan Nugaal, iyadoo dadka deegaanka ay sheegayaan in tan iyo shalay ay socdeen qul qulka dagaalyahanada ku imaanaya doonyaha ee ka soo degayay xeebaha.
Saraakiisha Amniga Puntland ayaa sheegay inay ka go’an tahay in kooxahan hubeysan ay ka hor-tagaan inta aanay gaarin dhulka buuraleyda ah.
Gurmadyo ciidan ayaa tan iyo saaka ka baxayay magaalooyinka Garowe, Qardho iyo Gaalkacyo, kuwaasoo u ambabaxayay deegaanada laga soo sheegay inay soo galeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa qudhooda ka hadlin wararka sheegaya dagaalyahanadan doonyaha kaga soo baxay xeebaha Xarardheere iyo deegaanada ku dhow inay ka tirsan yihiin iyo in kale, waxaana soo baxayay warar kale oo sheegayay in dagaalyahanadan taabacsan yihiin IS.
Ceegaag.com
Figradihiina