Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dalladda SOYDEN oo qabtey Madal ku aadan Haweenka Soomaaliyeed iyo doorkooda Siyaasada iyo Dib u Dhiska

November 4 (Ceegaag)— Waxaa Hotelka Makka Al-Mukarama lagu qabtey Mada ay soo qabanqaabiyey Dallada Horumarinta Dhalinyarada ee ( Somali Youth Development Network ) waxaana ka qayb galey Odoyaasha Dhaqanka,Culamudiin,Siyaasiyiinta, xildhibaanada Baarlamaanka, Warbaahinta iyo Qaybaha kala duwan ee Ururada Bulshada,
Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadley Gudoomiyaha Dallada SOYDEN Cismaan Muxyadiin Shaatax oo sheegey in Mudooyinkaan ay Dallada ku howlaneyd Barnaamijyo lagu dhiiragelinaya Haweenka Soomaaliyeed si ay uga Muuqdaan Siyaasada iyo arrimahA dib u dhiska isagoo hoosta ka Xariiqeyn Barnaamijyadaan ay wadi doonan tan iyo inta Haweenka ay u heli lahaayeen Xaquuqdooda
Xubnihii halkaa ka hadley Waxaa ka mid ahaa Xildibaanad Maryan Cariif Qaasim oo ah Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka waxay si weyn ugu dheeratey Qaar ka mid Qodobada Dastuur ee keeni kara Khilaaf gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha sidoo kale waxay ka hadashey Qodobada iyana Khuseeya arrimaha Haweenka
“Waxaan idiin soo jeedinayaa haddii aad tihiin Haweenka Soomaaliyeed in aad idiinkoo isku duuban aad Xaquuqdiina soo dhacsateen aniga waxaan idiin balan qaadayaa in aad wixii Awoodeyda ah aan idiin ku taageero” ayey tiri Xildhibaanad Maryan Carif Qaasim oo u mahadcelisey Dallada SOYDEN sida ay uga Ga’an tahay sidii Haweenka Soomaaliyeed u heli lahaan Xaquuqdooda
Ka qayb galayaasha ayaa markii dambe loo qaybiyey Dhowr Kooxood kuwaa oo ka doodayey Caqabadaha horyaalka haweenka Soomaaliyeed si ay uga muuqdaan Doorashada soo socota ee Sannadka 2016-ka sidoo kale waxay ka doodeen qaabka ugu haboon ee Haweenka Soomaaliyeed u heli karaan Xaquuqdooda si uga muuqdaan Doorshada iyo Dib u dhiska Dalka
Hay’ada SOYDEN waxay waayadaan ku guddo jirtey sidii kor loogu qaadi lahaa doorka haweenka arimaha siyaasada dalka iyo dib u dhiska Dalka.si loo hubiyo arintaan waxay SOYDEN tababaro kor loogu qaadayo aqoonta haweenka u furtey ilaa 70 haween Magaalooyinka Muqdishu iyo Garoowe waxaana hay’ada u qorsheysan in tababaradan la gaarsiiyo gobalada dalka oo dhan.
Madasha ay horey Dallada u qabtey waxaa ka mid ahaa Mid loo qabtey Guddiga haweenka Qaranka, Ururda Bulshada, Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka, Haweenka xildhibaanada, Wasaarada Dastuurka iyo gudiga Culuma’u diinka.
Sidoo kale Dalladda SOYDEN waxay Tababaro iyo Kulamo u qabtey siyaasiyiinta ku howlan sameynta asxaabta siyaasada ee dalka kuwaas oo lagala hadlaayey sidii doorka haweenka uga muuqan lahaayeen Asxaabta siyaasada.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply