Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Danjire Afeey oo si cad u sheegay in beesha caalamku ogolaan doonin in waqtiga uu dheereysto madaxweynaha Soomaaliya.

Janaayo-17- ( Ceegaag)-Wakiilka Arimaha IGAD ee dalka Somaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa si cad u sheegay in Madxda Dowladda Somaliya aysan sameyn karin muddo kororsi.

Danjire Afeey wuxuu sheegay arintaasi inay go’aan cad ay ka gaartay Beesha caalamka, islamarkaana aysan jirin wax muddo kororsi ah oo loo sameynaayo Hay’adaha Dowladda Somaliya.
“Arintaasi wax ku darista go’aan waxaa ka gaaray Beesha caalamka Muddo hada sanad laga joogo ayaa laga gaaray waxaa ka gaaray Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Wax IGAD ay gaartay ma’ahan wax aniga Shaqsi ahaan gaaray ma ahan” ayuu yiri Danjire Afey.
Sidoo kale danjiraha ayaa sheegay “Maadaama hada ay inoo muuqato Doorasho qof iyo cod inaan la qaban Karin, laakiin Qaraarka noo yaallo waxaa waaye waqti laguma dari karo.”ayuu yiri Danjire Afeey mar kale .
Dhanka kale taasi waxay meesha ka saareysaa hadal hayn badan oo laga soo warinaayay Shirka Kismaayo iyo in madaxda Dowladda Somaliya ay dalbadeen in muddo kororsi loo sameeyo.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply