Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ogoosto 09, 2015 (Ceegaag) — Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in Somalia ay Horumarro dhinacyo badan leh gaartay muddooyinkii u dambeeyay, isagoo Xusay in Haatan Dadaal loogu jiro sidii Soomaaliya ay doorasho uga dhici lahayd marka la gaaro Sannadka 2016-ka.
Danjire Nicholas Kay ayaa intaas ku daray in sidoo kale ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo loogu magac-daray Furashada Jubbooyinka, isagoo xusay in wax badan uu amniga Soomaaliya iska bedelayo.
“Waxaan is-leeyahay Dalku Wuxuu Hormar weyn ka sameeyay Sideeddii bilood ee lasoo dhaafay dhinaca siyaasadda iyo Federaalka oo ah kuwo ugu muhiimsan howlaha dalka lagu gaarsiinayo doorasho. Waxaan soo dhaweynay dhismaha maamulka KMG ee Galmudug, waxaan sidoo kale aan is-leeyahay waxaa la sameeyay Horumarro Muhiim ah sida amniga, iyadoo uu jiro howlgal cusub oo ka dhan ah Al-shabaab. Sidoo kale waxaa jira Qorsheyaal waaweyn oo la doonayo in lagu caawiyo horumarka millateriga iyo Booliiska Soomaaliya, waana horumarro wanaagsan oo la sameeyay,” ayuu yiri Danjire Kay.
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Dhaqaale ahaan dalku horumar weyn ma sameyn, waayo dhallinyarada weli waxaa haystay dhibaatooyin dhinacyada fursadaha shaqo ah oo ay wehliyaan Waxbarasho iyo Tababar la’aan, marka Waxaan doonaynaa in Arimahaas oo dhan aanu hadda diiradda saarno. Bilaha soo socda Waxaa jiri doona Qorshayaal cusub oo Dowladdu la imaanayso, kuwaasoo la doonayo in wax looga qabto sida ay shaqooyin u heli lahaayeen dhallinyarada, Waxaana Rajeynaynaa inay billow u noqon doonto is-bedal wax looga qabanayo fursadaha shaqo helista ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Kay.
Sidoo kale, Danjire Nicholas Kay ayaa xusay in gaabis weyn laga dareemayo siyaasadda iyo dimuqraadiyada Soomaaliya, loona baahan yahay in la dardargeliyo howlaha marka la gaaro 2016-ka.
“Waxaan is leeyahay Hormarka laga gaaray Dhinacyada Dimuqraadiyadda iyo Siyaasadda waa mid gaabis ah oo aan ahayn sidii la rabay, mana ahan sidii ay Soomaalidu doonayeen. Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashada xilli dambe ayaa la dhisay oo lagu dhawaaqay, is-bedelka lagu sameynayo dastuurka sidoo kale waa mid ku socday si gaabis ah. Waxaa dhawaan la sheegay inaysan suuro-gal nqoon karin in doorasho qof iyo cod ah marka la gaari sannadka 2016-ka. Balse waxaa jiri doona geeddi-socod doorasho, waxaa cad qof kasta uusan cod bixin karin; hase yeeshee Baarlamaanka ayaa laga sugayaa inuu sheego sida ay wax u dhacayaan, iyadoo aysan jirin wax muddo kororsi ah,” ayuu mar kale yiri Danjire Kay.
Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia, Danjire Nicholas Kay ayaa ka hadlay ka maqnaashiyaha shirkii Hiigsiga Cusub ee Somalia 2016-ka ee dhawaan Muqdisho ka dhacay Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa yiri.
“Waxaan Aaminsanahay in Maamullada Jubbaland iyo Puntland ay qaybtooda ka qaadan-ayaan sii Wadista Geeddi-socodka Hiigsiga Cusub ee 2016-ka, ayna ka Shaqeyn Doonaan sidii loo dhisi lahaa Somalia oo mid ah, xoogan, isla markaana federaal ah, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay inuu Mas’uuliyiinta kala duwan ee Maamulladaan la hadli doono, ayna yihiin qaybo aad muhiim ugu ah Somalia, wuxuuna xusay inuu wax ka qaban doono arintaan maalmaha soo socda si loo xalliyo.”
Dhanka kale, Danjire Nicholas Kay ayaa ka hadlay doorashada iyo sida ay noqon karaan, si looga dhabeeyo go’aanadii horay loo gaaray, wuxuuna yiri. “Ma garan karo aniga sida ay noqon doonaan. Balse dadka Soomaaliyeed ayaa sheegi kara, Waayo waa arrin Soomaalidu leedahay; Soomaalida ayayna khuseysaa, waana in ay iyagu go’aan ka gaaraan sida ay u dhici karto doorasho sannadka 2016-ka. Waxaa jiri kara Waddooyin badan oo suuro-gal ah, dhamaantoodna way garan karaan shacabka Soomaaliyeed.”
Ugu dabmeyn, Danjire Kay ayaa ka hadlay Go’aankii Golaha Ammaanka ee QM uu xilliga ugu kordhiyay Xafiiska UNSOM ee Somalia iyo Howlgalka AMISOM; isagoo sheegay in go’aankan uu yahay mid Sax ah si Soomaaliya Horumar loo Gaarsiin lahaa, sida Amniga iyo Siyaasadda.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina