Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dardar Galin lagu wado Maamul u samaynta Jubaland.

Wafti kasocda urur goboleedka IGAD ayaa maanta yimid Caasimada dawlad Goboleedka Jubaland ee Kismaayo waftigan oo garoonka Kismaayo shir albaabadu u xidhan yihiin kula qaatay Sh Axmed Madoobe, Sh. Maxamed Aw-libaax , Macalin Maxamed iyo Col Yasiin Nuur Gaas.

Shirkan oo laga daah xidhay saxaafada ayaa ahaa mid uu ka muuqday is afgarad dhexmaray masuuliyiintii shirkaa ka qaybqaadatay!!!. Marki uu dhamaday ayaa waxaa Shir jaraid ku qabtay Magaalada Kismaayo mid ka mid ah Saxiixeyaasha Qorshaha nabad Jubbaland ahna Gudomiyaha Ahlusunnada Konfureed Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax isga oo kusoo gaabsaday in shirku uun ahaa dardargalin lagu sameenaya maamul u samaynta Jubaland.

Mar wax laga waydiiyay Xirirka ka dhexeya Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo Dowlada Fadaralka Somalia ee dhawan la soo dortay. Gudomiyaha ayaa waxaa uu shegay in Dowlada Somalia ay tahay Dowlada kaliyah ee ay Somalia leedahay Jubboyinkana ay ka mid yihiin Somalia balse waxaa uu ka codsaday Madaxda Dowlada Somalia in ay Ixtiraaman Dastuurka Somalia oo ah Midka ay hormuudka ugu yihiin Somali oo dhan,

Gudomiyaha ayaa waxaa uu shegay in uu ka mid aha Saxiixeyaasha Raodmapka islamarka u ka mid yahay 6 da Masuul ee ku saxiixan Dastuurka Fadaraalka Somalia Dastuurkuna ay ku qeexantahay sida ay ku dhismayaan Dowladaha ka mid noqonaya Dowlada Fadaralka Somalia iyo kaalinta Dowlada Fadaralka ay ku leedahay Marka waxaa muhiim ah in lo wada hogaansamo Dastuurka Somalia ayu yiri Aw-libaax.

Ugu danbeyn Gudomiyaha ayaa waxaa uu shegay in uu dhawaan Safar ku gaari doono Gobolka Gedo halkaas oo uu ku qaban doono Shirar Shacabka Gedo ay ugu diyaar garoobayaan ka qayb qadashada Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag