Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Dawlada Puntland ayaa ku guulaysatay dhismaha Golaha deegaanka Dagmada Saaxo ee gobolka Mudug,waxaana Xulista Xildhibaanada iyo Doorashadda Gudoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dawlada Puntland oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gubolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay.
Xubnaha Golaha deegaanka Saaxo oo ka kooban 17-xubnood ayaa doortay Guddoomiye iyo ku-xigeen,ka dib Doorasho Dimuqraadiya oo ka dhacday degmada Saaxo.
Guddoomiyaha degmada Saaxo ayaa waxaa loo doortay Nuur Faarax Maxamed oo helay codka guud ahaan Xildhibaanada Golaha deeegaanka oo ka kooban 17-xubnood,halka Mowliid daahir uu noqday Guddoomiye ku-xigeenka dagmada Saaxo.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ‘’Tigey’’ ayaa sheegay inay dhameystiri doonaan Xafiisyada Maamulka,wuxuuna Guddoonsiiyay qalab ay maamulka ugu deeqeen hey’ada PDRC.
Masuuliyiintii halkaasi gaaray ayaa xariga ka jaray ceelbiyood ay dhiseen Qurba-joogta reer Puntland ee deegaanka iyo MCH ay ka hirgaliyeen gabdhaha Qurba-joogta ah ee Dagamada Saaxo.
Dawlada Puntland ayaa Saaxo dhowaan u aqoonsatay degmo rasmi ah,waxaana Dawladu ay sheegtay inay diyaar u tahay in Saaxo ay la jaanqaado degmooyinka hormarka sameeyay ee Puntland.
ceegaag.com
Figradihiina