Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Dawlada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa si wada jir ah ay u soo saareen wasaaradaheeda Maalyadda, Ganacsiga iyo warshadaha iyo tan arimaha dibadda boqortooyada sacuudiga ayaa waxa ay ku sheegeen inay fulinayaan go’aankii golaha amaanka ee QM ee lagu mamnuucay soo dhoofsashada dhuxusha somalia islamarkaana ay qaateen go’aan ay ku joojiyeen iibsiga dhuxusha somalia.
Sucuudiga ayaa sheegay in dhuxusha ay u joojiyeen iyaga oo diidan in dhaqaale kasoo galo Shabaab iyo Alqaacida balse aan u joojinin xaalufka ay ku hayso deegaanka Soomaalida taas ay si faah faahsan ugu sheegeen war saxaafadeedkoodaa.
Dowladda kuwait ayaa talaabadan mid lamid ah horay u qaadatay, islamarkaana u mamnuucday ka ganacsiga dhuxusha dalka Soomaaliya. Dhuxisha laga dhoofiyo koonfurta Soomaaliya ayaa laba qasaare ku haysay Dalka iyada oo xaalafunasay deegaanka, dhaqaalaha laga helana lagu gumaado shacabka.
Figradihiina