Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Deeqdaan oo ka koobnayd agabyo kala duwan sida raashinka doocyadiisa kala duwan, alaabta yar yare ee guryaha iyo agabyo kale ayaa waxaa ku deeqday Dowladda Cumaan waxaana la gaarsiiyey in ka badan 7-kun oo qoys kuwaasi oo kamid ah qoysaska danyarta iyo barakacayaasha isugu jira ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Inta aan deeqda la qaybin ayaa waxaa magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi ka socday Dowladda Cumaan kuwaasi oo goob joog ka ahaa goobta deeq qaybinta laga sameeyey.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo qaar kamid ah ganacsatada magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa qaybinta deeqdaan ballaaran ee la gaarsiiyey danyarta iyo barakacayaasha Kismaayo.
Deeq qaybinta ayaa waxaa laga sameeyey dhowr goobood oo kamid ah xeryaha barakacayaasha, yadoo dadka loo qaybinaayey isla goobta lagu guddoonsiinaayey
Markii deeq qaybinta lasoo gaba gabeeyey ayaa waxaa saxaafadda uga warbixiyey deeqda ay Dowladda Cumaan ugu deeqday danyarta iyo barakacayaasha Kismaayo Maxamed Ciise Al Wahaabi oo wakiil ka ahaa Saldanada Cumaan isaga oo sheegay in ay arrintaan ay uga gon leeyihiin soo celinta xiriirkii Soomaaliya iyo Cumaan.
Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Cabdulqaadir Lugadheere ayaa dhankiisa sheegay in deeqdaan ay iska kaashadeen maamulka Jubbaland iyo maamulka Jubbaland isla markaana loogu talagalay in dadka tabaalaysan ay kaga baxaan bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dowladda Cumaan ayaa sanad kasta xilligaan oo kale marka ay soo dhowdahay bisha barakeysan ee Ramadaan waxay deeq gaarsiisaa dadka tabaalaysan eek u nool gobolada kala duwan ee Soomaaliya.
Marka laga soo tago magaalada Kismaayo deegaano kale oo katirsan gobolada Jubbooyinka sida degmooyinka, Afmadow, Badhaadhe Jamaame iyo deegaano kale oo katirsan gobolada Jubboyinka ayaa laga sameeyey deeq qaybintaan oo kale.
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina