Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wasiirka caafimaadka iyo fayadhowrka maamulka Jubba Xasan Daahir Yaaroow, ayaa manta qalab isugu jira sariiro koronto ku shaqeeya, kuraasta curyaamiinta, qaboojiyaal lagu keeydiyo dhiigga, dawooyin iyo qalab kale oo ay ku deeqeen qurbajoog ka soo jeeda deegaanada jubooyinka ayaa waxa uu ku wareejiyay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo.
Wasiirka ayaa ugu horeyn goobta ka hadlay isagoona mahadcelin ballaaran u jeediyay shaqsiyaadkii qalabkan ugu deeqay isbitalka degmada Kismaayo.
Agaasimaha isbitalka guud ee degmada Kismaayo, Dr. C/samad ayaa faahfaahin ka bixiyay qalabka loogu deeqay.
Gabagabadii wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in uu ku deeqayo dhiig isagoo ugu baaqay in dadka ku dhaqan degmada Kismaayo ay sidoo kale dhiig ku deeqaan, maadaama mudo 20 iyo dhowr sano kadib markii ugu horeeysay uu isbitalka degmada Kismaayo yeeshay Qaboojiye lagu keeydiyo dhiigga.
Ceegaag Online
Kismaayo-Somalia
Figradihiina