Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Deg Deg:- Ahlusunna oo Madaxweyne uga dhawaaqday Dhuusamareeb

July 2 (Jowhar)— Waxaa goor dhoweyd magaalada Dhuusa Mareeb loogadhawaaqay Madaxweyne uu yeelanayo Maamul Goboleed loogu magac daray Gobollada Dhexe, oo kala ah Gobollada Mudug, Galgaduud iyo qeyb ka mid ah Gobolka Hiiraan.
Shir dhowaanahan ka socday Dhuusa Mareeb oo ay marti gelisay Ahlusuna Wal-jameeca ayaa Ergooyin ka qeyb galay shirkaas waxay maanta Madaxweyne u doorteen Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Fulinta Ahlusuna Wal-jameeca ee Gobollada Dhexe.
Ergooyin la sheegay inay ka kala yimaadeen Gobollada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan oo ka qeyb galayay shirka ayaa ugu dambeyn maanta ay doorteen Madaxweyne, iyadoo doorashada ay u tartamayeen ilaa saddex Musharax, waxaana ay doortay Sheekh Maxamed Shaakir.
Sheekh Maxamed Shaakir ayaa la sheegay inuu ka guuleystay labo musharax oo xubin ka ahaa Maamulkii Ximan iyo Xeeb, kuwaasoo kala ah wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulkaas Maxamed Xaaji iyo Afhayeenkii Maamulkaas Careys Maxamed Xaaji.
Madaxweynaha lagu doortay Dhuusa Mareeb ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalinta sabtida ee soo socota la filayo in Cadaado lagu doorto Madaxweyne uu yeelanayo Maamulka Galmudug ee ay dhismihiisu wax ka wado dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Ahlusuna Wal-jameeca oo gacanta ku heysa degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayaa horay u qaadacday shirka Maamul u sameynta ee ka socda Cadaado, kaasoo heer gabo gabo maraya, dhowaana la filayo in Madaxweyne la doorto

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply