Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Howlgalka AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhowrkii saacadood ee u horeeyey maanta waxay la wareegeen deegaanoo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose oo ay ku jirto Qoryooley.
Ciidamada huwanta ah ayaa saaka howlgalkooda ka bilaabay deeganada Garas-jareed iyo farsooley oo ay qabsadeen, iyagoo kadib la wareegay degmada Qoryooley oo ah halka ay u socdeen.
Qoraal la soo dhigay barta internetka ee AMISOM ayaa lagu sheegay in howgalka lagula wareegay degmada, mana jiro wax dagaal ah oo dhacay, waxaana haatan ka socda qoryooley baaritaano lagu xaqiijinayo nabadgelyada.
Kooxda al-shabaab ayaa goor oo hore oo saaka ka baxday degmadaas, waxaase laga cabsi qabaa qaraxyo iyo weeraro qorshaysan oo ay ururku abaabuleen.
Qoryooley waxay 120km koonfur galbeed kaga beegan tahay Muqdisho. waana magaaladii siddeedaad ee ururka lagala wareego mudo bil gudaheed, howgalka isku dhafan ee AMISOM iyo ciidamada Qaranka ayaana weli ka socda gobolada dalka Soomaaliya.
Deeganada Maxaas iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Galguduud iyo Hiiraan ayey sidoo kale maanta ka socdaan qorshayaal lagula wareegayo meelahaas oo ay ururku gacanta ku hayaan, kooxdu weli kama hadlin dhulka lagala wareegay ee shabeelaha hoose.
Ceegaag Online.
Figradihiina