Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowlada oo war murtiyeed ka soo saartay shirarka iska soo horjeeda ee ka soconaya Beedhabo

 

Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa goordhaw waxa ay War Murtieed xasaasi ah kasoo saartay Shirarka Heerka gabo gabo maraya ee kasocda Magaalada Baydhabo kaa oo lagu dhisayo Maamulo is diidan.

War Murtiyeedka ayaa u qornaa Sida Tan:

Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka waxay u xilsaarantahay hirgelinta iyo taabagelinta Federaalaynta dalka si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda maamul-­? u samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka.

Sidoo kale,waxay u xilsaaran tahay ka  hor  tegidda khalalaasa siyaasadeed oo dhalin  kara iska hor imaad bulsho.

Waxaa xusid mudan in mudooyinkan dambe  ay magaaladda Baydhabo ee Gobolka  Bay  ka socdaan shirar xambaarsan fikrado iska soo horjeedo,kuwaas oo uu mid waliba sheeganayo dhisidda Maamul-­?Goboleed ay yeeshaan degaanadaasi.

Hadaba Xukuumaddu waxay wal-­?wal ka muujinaysaa habka ay  u socdaan shirarkaas iyo dhibaatada ka imaankarta natiijada dhamaadka  shirarkaas iska soo horjeeda.

Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyada oo ka  duuleysa mas’uuliyada  ka saran maamul  u  sameynta iyo federaaleynta  dalka waxay dhawr   jeer isk taxaluujisay in ay midayso shirarkaas iska soo  horjeeda, si shacabka degaankaas ay u  helaan maamul midaysan oo waafaqsan Dastuurka iyo   Shuruucda dalka  u yaala.

Xukuumaddu iyadoo  ka hortagayso arrintan kor ku xusan, waxay dhawr jeer wufuud kala duwan oo  ka kooban  xubno  ka  kala socda labada gole ee Xukuumadda  iyo Barlamaanka u dirtay magaaladda Baydhabo.

Wufuudaas waxay u xilsaarnaayeen  in la helo talo mideeyaan oo ku aadan   maamul u samaynta  iyo federaalaynta deegaanadaasi.

Hadaba, Wasaaraddu waxay halkan ku caddaynaysaa  moowqifka siyaasadeed ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan qaabka  loo marayo dhismaha Maamul-­?Goboleed ay yeeshaan goboladaas, iyadoo  la tixgelinayo  waaqiciga siyaasadeed  ee haatan ka jira degaanadaas.

1.Wasaaraddu waxay ugu  baaqaysaa dhammaan siyaasiinta iyo cuqaasha dhaqanka ee dalka in ay kubaraarugsanaadaan maamul u samaynta Goboladda,  Degmooyinka iyo Maamul Goboleedyada si waafaqsan Dastuurka  iyo  Shuruucda  Dalka.

2. Xukuumaddu waxay dhawraysaa heshiiskii lagu gaaray Addis  Ababa, Ethiopia ee lagu  ogolaaday dhismaha Maamulka Ku-­?Meelgaarka ah ee  Jubba.

3. Xukuumaddu waxay beegsanaysaa ku dhaqanka heshiiska  Addis Ababa  ee  kor ku xusan.  Sidoo kale, wixii tabasho ah ee ku  saabsan heshiiskan Xukuumaddu waxay diyaar u tahay in ay gacan buuxda ka geeysato.

4.Xukuumaddu waxay diyaar u tahay  in ay  gacan ka geeysato dhismaha Maamul  Goboleedka sedexda gobol ee Goboladda Bay, Bakool iyo Shabeeladda Hoose.

5.  Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed ee  deegaanadaas in ay ka fogaadaan wax walba oo dhalin kara xasilooni daro ku timaada degaankaas.

Ceegaag Online.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply