Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG DEG: Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo dil toogasho ku xukuntay Xasan Xanafi

Maarso 3 (Ceegaag)— Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwada loo heystay Xasan Xanafi Xaaji, kaasoo loo heystay inuu maleegay dilal loo geystay Wariyeyaal.
Maxkamada ayaa ku xukuntay Xasan Xanafi dil toogasho ah, iyadoo xafiiska xeer ilaalinta uu ku soo oogay dambi ah inuu ku lug lahaa dilalka illa afar wariye oo Muqdisho lagu dilay sagaalkii sano ee u dambeeyay
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Xasan Xanafi ku soo eedeeyay dilka iyo ku lahaanshaha Marxuumiintan kala ah:-
1- Mahad Axmed Cilmi oo la dilay 11-08-2007
2- Cali Iimaan Sharmaake oo la dilay 11-08-2007
3- Saciid Tahliil Axmed oo la dilay 4/02/2009
4- Muqtaar Maxamed Hiraabe oo la dilay 08-06-2009
5- Sheekh Nuur Abkeey oo la dilay 04-5-2010
Sidoo kale Maxkamadda ayaa dhageysatay marqaatiyaal la hor keenay Maxkamadda, waxaana ay dhamaantood ku marag fureen Xasan Xanafi Xaaji inuu ahaa Sarkaal ka tirsan Al-habaab oo dilalka iyo shirqoolada wariyeyaasha u qaabilsanaa.
Waxaa kaloo Xasan Xanafi la sheegay inuu qirtay dambiyada qaarkood, isla markaana ku lug lahaa dilal qaar loo geystay Wariyeyaasha.
Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Barnaamij loogu magac daray Dilaaga Wariyaha laga sii daayay Telefishinka dowladda ee SNTV, kaasoo Xasan Xanafi uga hadlay dilal badan oo loo geystay Wariyeyaasha, waxaana uu mas’uuliyada dilalkaas dusha ugu tuuray Al-Shabaab, qaarkoodna wuxuu qirtay inuu ka qeyb qaadatay oo uu wax ka maleegay.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply