Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Qaraxyo culus ayaa goor-dhow laga maqlay agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay markaas kaddib ay rasaas xooggan halkaas ka billaabay, taasoo u dhexeysay ragga hubeysan iyo ciidamada dowladda ee ilaalada ka haya xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Qaraxyadan ayaa ahaa kuwo aad u culus oo laga maqlayay inta badan dhabarka dambe ee Villa Somalia, iyadoo rasaasta ay ka dhacayso dibadda madaxtooyada halkaasoo ay joogeen ciidammo ka tirsan kuwa madaxtooyada Soomaaliya.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxyadan ay fuliyeen rag hubeysan oo ay miinooyin ku xirnaayeen, iyadoo ay kasoo baxayaan tirada xubnahan weerarka qaaday warar kala duwan, waxayna rasaasta inteeda xooggan ka dhacaysay dhinaca iskuulka fiiftiin May.
Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in khasaare nafeed oo aad u xooggan ay ka dhaceen halkaas, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn, waxaana weerarrada noocan oo kale ah looga bartay Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya weli kama hadlin qaraxyadan, waxaana cabsi weyn ay geliyeen shacabka ku nool magaalada Muqdisho, xaaladda ayaa ah mid xilligan aad u kacsan.
Wixii kasoo kordha qaraxyadan waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE idmo.
Ceegaag online
Xafiiska wararka kismaayo
Figradihiina