Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa goor dhawayd u ambabaxay magaalada Addis Ababa.
Madaxweyne Axmed madoobe ayaa lagu wadaa in magaalada Addis Ababa kula kulmo madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado in 24ka saac ee soo socda gaadho Addis Ababa.Waxaa sidoo kale dhanka dowlada ka imaanaya wafdi u badan xildhibaano oo uu horkacayo wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax Cabdiqaadir.
Labada wafdi ee ka kala socda DFS iyo Jubaland ayaa ka wada xaajoon doona khilaafka u dhaxeeya.
Faahfaahinta warkan kala soco wararkaanaga danbe hadii Alle idmo.
Ceegaag Online-Kismayo
Figradihiina