Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Janaayo 27 ( Ceegaag)- Wararka naga soo gaaraya degaanka Likooleey oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa sheegaya in la khaarajiyay Guddoomiyihii degaanka Ceelcadde kaasi oo lagu magacaabi jiray C/rashiid Cali Cabdi Qoorleex sida laga soo xigtay mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.
Guddoomiyihii degaanka Ceelcadde oo isagu maalmahaan u xirnaa ciidamada Kenya ayaa la sheegayaa inay iyagu khaarajiyeen, kaddib markii la sheegay in weerarkii xerada ciidamada Kenya ee degaanka Ceelcadde ay ku lug yeesheen qaar ka mid ah ciidamadiisa.
Col. Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa saxaafadda u sheegay in meydka Guddoomiyaha degmada Ceelcadde ay ka soo qaadeen saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin halkaasi.
Ilaa iyo iminka dowladda Kenya wax hadal ah kama soo saarin dilka Guddoomiyihii degmada Ceelcadde, iyadoo dhacdadani ku soo beegmeyso xilli ciidamada Kenya ay wajahayaan weeraro uga imaanaya ururka Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka beesha Mareexaan oo horay loogu eedeeyay inay halkaasi ka wadaan kacdoon looga horjeedo ciidamada Kenya
Ceegaag.com
Figradihiina