Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Degmada Xamar Weyne oo lagu qabtay Bandhig lagu soo nooleynayay Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.
Iyadoo qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ay ka socdaan Barnaamijyo ku saabsan soo nooleynta hiddaha iyo dhaqanka iyo nabadda ayaa waxaa degmada Xamar wayne lagu qabtay bandhig si heer sare ah loo soo agaasimay waxaana bandhigaas ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaliya, mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, maamulka Degmada Xamar wayne iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,
Bandhigaan oo ay daawanaayeen dadwayne aad u fara badan ayaa lagu soo bandhigay qaar ka mid ah hiddaha iyo dhaqankii lagu yaqaanay Degmada Xamar weyne iyo bandhiga cayaaraha dhaqanka iyadoo mas’uuliyintii dowlada ay aad ugu qushuuceen habsami u socodkii bandhigaas.
Bandhigaan lagu soo nooleynaayay hiddaha iyo Dhaqanka ayaa gabagabadii waxaa ka hadlay Gudoomiyaha degmada Hamar wayne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulkaqaadir ayaa ugu horeyntii waxaa uu u mahadceliay intii soo qabanqaabisay bandhigaasi isagoo sheegay in bandhigaan wax wayn ka tarayo kor u qaadida ama soo nooleynta hiddaha iyo dhaqankii soomaalida lagu yaqaanay.
“Bandhigyada noocaan oo kale ah waa mid keenaya in dib loo soo nooleeyo hiddaha iyo dhaqankii iyo Suugaantii Ummadda Soomaaliyeed waxa uuna soo socday muddo bil iyo bar ah degmooyin kala duwana lagu qabtay waxa uuna socon doonaa muddo labo bilood oo kale , ujeedkana waxa uu yahay in la helo da’yar ka qeyb qaadata soo nooleynta Suugaanta ummada Soomaaliyeed” sidaana waxaa yiri Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Dalxiis iyo Dhaqanka Cabdullaahi Colaad Rooble. Waxaa uuna bandhigaan ku soo gabagaboobay jawi heer sare ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
Figradihiina