Dembi Shaneemo & Dilka Iimaamka, W/Q Axmed-Assad
Bulxan & Gurxan waa laba qareen oo jaajaaleyaal ah oo haddana waligoodba isku lid ah mar iyo dhif mooyaane!
BULXAN:
Daawashada Shaneemada
Dembigaa Isboortiga
Waxa Kaa Dawayn Kara
Adigoo Dab Miinniyo
Baaruudda Duushiyo
Isku Xirra Dambaabiro
Dabadeed Masaajiid
Dadku Buuxiyeenoo
Duhur Uu Jimcuhu Yahay
Daakhilkiyo Safkaa Hore
Iimaamka Soo Dilla!
GURXAN:
Dembi Ma Leh Isboortiye
Daa’imkay Ku Soo Qabay
Doqonsanaa Ma Xoolaa
Dajaal-Cawar Agtiisiyo
Dabka Naarta Uumiga
Dacarteeda Jahanama
Dhex Durduuro Abidkaa
Ku Dabaallo Foornada
Dibna Yaan Laguu Arag
Daallin Dhiig Cabaadtee!
W/C: Axmed-Assad, Barmaamijkii Murtisoor.
Facebook: Facebook.com/Murtisoor (Like it)
Email: Ahmedy98@yahoo.com
Figradihiina