Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DHAGAYSO:- Barakacayaasha ku dhaqan Kismaayo oo Siweyn uga cabanaya dhibaatooyin dhanka Nolasha ah

Iyadoo lagu gudo jiro 10kii ugu danbeeyay ee bisha barakeeysan ee Ramadaanka ayay barakacayaasha ku dhaqan magaalada Kismaayo waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin nolol xumo, iyagoo sidoo kale ka codsaday Jaaliyadaha Soomaaliyed eek u dhaqan dalka dibadiisa iyo cid walba oo wax u awooda in ay usoo gargaaraan.

Barakacayaashan oo ku nool Xero dhawaan uu dejiyay maamulka Jubba oo ku taal hotelkii hore ee Dalxiska oo ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay kamid tahay Suuliga ama musqulaha oo ku yar, helitaanka biyaha oo aad ugu adag maadama aysn ceelal lahayn Xerada ay ku noolyihiin iyo dhibaatooyin kale.

Gudomiye kuxigeenka Barakacayaasha magaalada Kismaayo Max’ed Dhaqane oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka heysta dadkan danyarta ah.

Dadkan danyarta ah ayaa ka codsaday umadda Soomaaliyeed ee wax heeysata in ay kaalmo biniaadanimo laso gaaraan, sidoo kalena ay ka farxiyaan carruurta yar yar ee ku jirta xerooyinkaasi si ay farxadda ciidda barakeeysan ee foodda nagu soo heysa ula qeeybsadan carruurta kale ee asaagooda ah.

HALKAN KA DHAGAYSO

Magaalada Kismaayo ayaa waxa ku taal in ka badan 50 Kaam oo ay ku jiraan dad danyar ah oo kazoo barakacay qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya iyadoo dadkani ay deegaanadooda uga soo  barakaceen Colaado iyo weliba abaaro daran oo saameeyay awgeed.

Ceegaag Online

Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply