Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maanta oo kale, Sanad walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, Maanta 62-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka
Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii Calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, lakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Alle ha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan.
Alle ha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, laakiin waxaa uu noqday Calan umadda Soomaaliyeed ka tarjumaya sidoo kalena matala.
C/qaadir Dheere Xaaji Dheere oo ka mid ahaa dadkii Xilligii la sameynaayay Calanka Joogay ayaa Idaacada Risaala ugu warbixiyay dareenkiisa ku aadan Maalinta Calanka iyo qiimaha uu Calanka 50 sano ka hor.
Calankan Soomaaliya ay leedahay iskama imaan ee waxaa dhexda u xertay oo Naftooda iyo Maalkooda ku bixiyay geesiyaal Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen dhalinyaradii Ururkii SYL.
Sida ku cad Dastuurka Sida KMG loo ansixiyay ee uu dalku leeyahay ayaa waxa uu qeexayaa in Heesta Calanka ay tahay Heestan soo socota.
Sidoo kale C/qaadir Dheere Xaaji Dheere ayaa isaga oo ilmeynaya Waxa uu Idaacada Risaala u sheegay in la dayacay Calanka, sidoo kalena ay Madaxda Dowladda hilmaameen qiimeynta iyo kor u qaadida Calanka Soomaaliya oo uu sheegay in dad badan naftooda ay ku waayeen raadintiisa.
Alle ha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ahaa ninkii sameeyay Midabka Calanka Soomaaliya waxa uu ku geeriyooda Magaalada Toronto ee Dalka Canada.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa lagu eedeeyaa in aysan xil weyn iska saarin kor u qaadida iyo weyneynta Calanka Soomaaliya, Waxaana hada Maamul walbo oo dalka ka jira gaar ahaan Maamul goboleedyada Dalka ay leeyihiin Calamo u gaar ah.
W/D:- Axmed Cabdi Cali
Figradihiina