Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Magalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa soo garay wafdi ka socda Qaramada Midowbe ee u qaabilsan arimaha soomaliaya, gaar ahaana laanta dhawaan lagu wado in ay ka furato magalada kismaayo,wafdigani uu hogaaminayay wakiilka masuulka ka ah xafiiska qaramada midowbe ee Jubba State.
Waxa ay garoonka diyaradaha kismaayo kulamo kula qaateen qaar kamid ah masuuliyiinta Maamulka Jubba State.
Markii ay kulamadaasi soo gaba gaboobeen ayaa waxaa saxafada uga warbixiyay lataliyaha madaxweynaha dhanka siyaasada Cabdi Qani Cabdi Jaamac oo kamid ahaa Masuuliyiintii lakulantay waxaa uuna ka warbixiyay ajandayashii ay ka wadahadleen.
Sikastaba, dhawaan ayeey ahayd markii ay qaramada Midowbe ay shaacisay in ay xafiis ka furanayso magalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbda Hoose.
Figradihiina